Wax-ka-badalka dastuurka: Fursadii ugu fiicneyd mise kaligii-talis cusub?

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu la gole yimid qorshahan oo abuuray kala qeybsanaan iyo xasarad siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu la gole yimid inuu doonayo isbedel uu ku sameeyo dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya kaas oo uu horgeeyay baarlamaanka federaalka ah.

Isbedelka waxaa qeyb ka ah qodobo masiiri ah kuwaas oo kala ah; baabi'inta xilka Ra'iisul Wasaaraha iyo Soo-kordhinta jagada Madaxwayne Ku Xigeen si lamid ah in muddo xileedka madaxweynaha laga dhigo shan sano.

Tani ayaa durba horseeday kala qeybsanaan iyo xasarad siyaasadeed oo waqtigeeda kasoo horumartey iyadda oo doodan ay si weyn u hareysay baraha bulshadda dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

"Dabar-goynta" heshiisyadda siyaasadeed

Dadka kasoo horjeeda wax ka badalkan ayaa cuksanaya in muhiim ay tahay in la balaariyo wadatashiyadda maadaama dastuurka uu yahay heshiis bulsho una baahan yahay taageerada dhamaan saamileyda siyaasadda. 

Prof Afyare Cilmi, agaasimihii hore ee Machadka Heritage oo kamid ah dadka dhaliilsan damaca Xasan Sheekh ayaa cod dheer kusoo jeediyay "in aan dowladda laga yeelin inay siday doonto u baddasho heshiis-siyaasadeedka". 

"Haddaba, waxaa la gudboon xildhibaannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah inay billaabaan dood wanaagsan. Waxaan qabaa inaan laga aamusin dooddan iyadoo aan laga tegeyn edebta iyo ixtiraamka. Is-baddal macno leh wuxuu iman dood loo dhan yahay dabadeed. Jaallayaal soo dhawaada," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

"Hanjabaadda" ka dhanka ah Golaha wasiiradda

Heshiis-Siyaasadeedku wuxuu ka kooban yahay: Shareecada Islaamka, awood-qeybsiga beelaha, nidaamka federaalka, doorasho afar sano kasta iyo nidaamka baarlamaaniga ah.

Dad badana oo ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed sidda Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Maxamed ayaa si weyn ugu weeraray Profeesarka doodiisa waxaana ay difaaceen qorshaha uu lasoo shir-tagay madaxwayne Xasan Sheekh.

Villa Soomaaliya ayaa howlgelisay shaqsiyaad internet-ka ka difaaca mashruucan iyadda oo madaxwayne Xasan Sheekh uu ku wargeliyay wasiiradda federaalka in ay waayi doonan kuraasta haddii aysan u ololeyn qorshihiisa.

Ra'iisul Wasaare "baari ah" v Madaxwayne Ku Xigeen

Soojeedintan ayaa timid iyadda oo uu "fadhiid noqdey" xafiiska Ra'iisul Wasaaraha kaas oo shaqooyinkiisa oo dhan ay la wareegtay Madaxtooyadda Soomaaliya, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha iyo Xildhibaano.

Anwaf Cabdifataax Bashiir, agaasimaha Machadka EA Institute 4Peace oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanba loo baahneyn Madaxwayne Ku Xigeen "haddii uu haatan jiro Ra'iisul Wasaare baari ah".

"Madaxweyne Xasan hadduu helay Ra'iisul Wasaare baari ah oo qalad iyo saxba hadalka madaxweynaha u arka inuu qaato  cibaado taa micnaheedu ma aha in reerku sidaa wada yahay, qaarbaa weli nool! In laga guuro Parliamentary Sytem oo loo guuro Presidential System, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxwayne Xassan keligood ma go’aamin karaan!," ayuu tibaaxay.

Kaligii-talisnimo cusub mise fursadii ugu fiicneyd?

Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah saaxiibadda madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax ka badalka dastuurka ku qeexay "fursadii ugu fiicneyd ee soo martay dalka".

Hase ahaatee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ku magacaaban Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Bini'aadatinimada ayaa damacan ku qeexay "kaligii-talisnimo cusub".

Sikastaba ha ahaatee, waqtiga ayaa ka jawaabi doono labadan midood tan ay noqon doonto hase ahaatee walaaca ugu weyn wuxuu ka taagan yahay in ay dhici karto gacan ka hadal haddii qaab juubjuub ah lagu ansixiyo mashruucan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM