2019: Tirada dilalka toogasho ee ka dhacay Sacuudiga oo la shaaciyey

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga ayaa toogtay 184 qof 2019-kii, waana tiraddii ugu badneyd muddo lix sano ah, sidda ay sheegtay hay'ad u dooda xuquuqda aadanaha oo la yiraahdo Reprieve.

"Waa guul naxdin leh oo Boqortooyaddu gaartay," ayay ku dartay warbixinta oo Isniinta maanta ah soo baxday.

Toogashooyinkan oo Wakaaladda wararka Sacuudiga baahisay, 88 kamida waa Sacuudiyaan, 90 waxay ahaayeen ajaaniib, halka lix kale aanan illaa iyo haatan lasoo bandhigin jinsiyadahooda.

23-kii April, Riyadh ayaa kaliya hal maalin toogatay 37 qof, oo ay ku jiraan saddex caruur ah oo dambiyo lagu eedeeyay.

Maya Foa, agaasimaha Reprieve, ayaa walaac ka muujiyey in ay sii socdaan falalkan, isagoo ku baaqay in la yareeyo.

"Iyadoo ay tahay guul naxdin leh oo uu gaarey maamulka Maxamed bin Salmaan, dhaxalsugaha, haddana waxay xasaanada ka qaadeysaa shuruucda caalamka," ayuu ku daray.

2018-kii, Salmaan oo balanqaadey in hoos loo dhigi doono toogashooyinka ayaa qirtay in ay waqti ku qaadaneyso fulinta.

Sidda laga soo xigtay Reprieve, illaa iyo haatan sanadkan cusub 2020, waxaa dalka Sacuudiga ka dhacay afar dil toogasho.

Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka caalamka ee ay ku badan yihiin dilalka toogashadda, arrintaas oo ay cambaareeyeen hay'addaha caalamka, wallow xukuumadda Riyadh aysan dheg-jalaq u siin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM