Aabe Soomaali ah oo si fool ka fool ah u wajahay dilaaga wiilkiisa

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Aabaha dhalay wiil Soomaali ah kaasoo ahaa qofkii ugu da'da yaraa ee lagu dilay xasuuqii Muslimiinta loogu geystay magaalada Christchurch ee New Zealand ayaa wajahay dilkaagii Inankiisa.

Aadan Ibraahim Diiriye oo ka hadlayey dhageysiga kiiska dilaagii falkaas ka dambeeyay ayaa ku nuux-nuux saday in uu aad u dhowrayo cadaalad uu helo wiilkiisa, wuxuuna caddeeyay in uusan cafin doonin.

Mucaad Aadan Ibraahim, oo ah marxuumka geeriyooday, ayaa kamid ahaa 51 ruux oo ku dhimatay dhacdadaas lagu beegsaday Masjidka isla markaana ay ku dhaawacmeen 40 kale.

"Waxaad dishay wiilkeyga, aniga waxay ila tahay adiga oo dilay dhamaan dadka New Zealand," ayuu Aadan ka yiri dhageysiga kiiska ka dhanka ah Brenton Tarrant, halkaasoo uu ka hadlayey Arbacadda maanta ah.

Tarrant, oo ahaa 29-jir aaminsan sareynta cadaanimadda, ayaa qirtay dambiga, waxaana qorshuhu yahay in xukun lagu rido isla todobaadkan.

"Aniga marnaba kuma cafin doono. Cadaaladda in ay shaqeyso waa waxa aadka loo sugayo si nolosha dambe u sii jirto," ayuu Aadan xusay.

Aadan oo isagoo qaxooti ah galay waddankaas 25-sano kahor, ayaa carabka ku adkeeyay in wiilkiisa uu lahaa mustaqbal aad u wanaagsan.

"Waxaanu filaynay in uu maalin un noqon doono sarkaal boolis ah. Wuxuu iska dhigi jiray bileys markii uu guriga joogay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dacwadda uu wajahayo Brenton Tarrant kaasoo ficilkiisa argagaxa leh ka baahiyey barta xiriirka dadweynaha ee Facebook waxaa kamid ah argagixisanimo; xukun xabsi daa'in ah ayuu ku muteysan karaan dambigaas.

Dhageysiga kiiskan oo sii soconaya illaa Khamiista waxaa laga mamnuucay in saxaafaa si toos ah uga waranto maadaama ay qisooyin naxdin leh kusoo bandhigayaan qoysaska iyo dadkii ka badbaaday toogashada.

Hadii gacan ku dhiiglaha lagu xukumo xabsi daa'in wuxuu noqon doonaa shaqsigii ugu horeeyay oo gudaha dalka New Zealand loo adeegsado xukunkaas. Aroorta maalinta Khamiista ah ayaana lagu wadaa in go'aanka lasoo saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM