Abiy Axmed oo safarkii ugu horeeyay ku tagey Qatar

Image
Image
Image

DOHA - Ra'iisul Wasaaraha dalka Eithiopia, Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta oo Talaado ah ka degay magaaladda Doha, ee caasimadda Qatar halkaasi oo uga billaabatey booqasho rasmi ah.

Abiy Axmed iyo mas'uuliyiinta kale ee la socota ayaa waxaa Garoonkd ku dhaweeyay Wasiirka Isgaarsiinta Qatar Jassim bin Saif Al Sulaiti, waxaana loo galbiyay Madaxtooyadda oo wadahadallo kula leeyihiin madaxda sare ee dalkaasi.

Wafdiga Abiy ayaa lagu wadaa in Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo maalgashiga iyo ganacsiga ku saabsan.

Waa booqashii ugu horeysay oo Abiy Axmed ku tago Qatar tan iyo markii uu xafiiska la wareegay March 2018, isagoo sameeyay isbedello gudaha dalkiisa iyo heshiisyo uu la galay dalalka deriska, taasoo sare u qaatey maqaamka Eithiopia ee gobolka.

Wararka ayaa sheegay in ujeedka booqashad Abiy Axmed ee Doha ayaa salka ku hayso inuu dowladda Qatar iyo Ganacsatada kala hadlo sidii maalgashi dalkiisa ugu sameyn lahaayeen, sidoo kalena ugu qal-qaalin lahaayeen maalgashi caalami ah.

Dabeysha Isbedallada ee ka socota Eithiopia ayaa dheera-geliyay dalal badan oo kuwa Khaliijka u badan inay maalgashi ku sameystaan dalka qaniga ku ah wax soosaarka Bunka sidoo kalena qorsheynaya inuu dhawaan markii ugu horeeyay soo saaro shidaal.

Qatar ayaa xoojisay xiriirkeeda Addis Ababa mudooyinkii dambe iyadoo Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani uu April 2017 booqasho ku tagey dalka Eithiopia.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM