Abiy Axmed oo ka degay Imaaraadka kadib safarkiisa Qadar

Image
Image
Image
Image

ABU DHABI, UAE - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka degay magaaladda Abu Dhabi ee caasimada Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib booqashadiisa dalka Qadar.

Abiy ayaa wadahadalo la yeeshay Dhaxal sugaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo taliye ku xigeenka ciidamada wadankaasi.

Dhinacyada ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku saabsan gobolka, caalamka iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya dalalkaasi.

Kulanka kadib, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Dhaxal sugaha ayaa si wadajir ah u kormeeray qaar kamid ah xidigaha ku tartameysa ciyaaraha caalamiga ah ee Olimbikada Abu Dhabi.

Safarka Abiy ee Imaaraadka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu shalay tegay Qadar, halkaasoo uu kula soo kulmay Amiir Sheikh Tamim bin Hamad.

Abiy ayaa booqashadiisii ugu dambeysay ee Imaaraadka waxay ahayd bishii Julaayo, markaasoo uu wehliyay madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Intii ay ku sugnaayeen Imaaraadka, hogaamiyaasha wadamada geeska Afrika ayaa loo gudoonsiiyay bilada ugu qiimaha badan Imaaraadka heshiiska nabadeed oo ay kala saxiixdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM