Afar qaraabo dhow la ah Al-Baqdaadi oo nolosha lagu qabtay

Image

ANKARA, Turkey – Labaatan iyo shan kamid ah qaraabada hogaamiyihii la dilay ee Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi, ayaa la qabtay xili xabsi loo taxaabay afar kamid ah xubnahaas.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa laga soo kala qabtay afar gobol kadib howlgal aad u qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada Turkiga.

Dacwad-oogaha guud ee ismaamulka Kırşehir ayaa shaaciyey in afarta xiran ay xubin ka yihiin urur hubeysan, wallow uusan kala caddeyn midka ay yihiin Daacish ama Al-Qaacid.

Laba iyo toban kamida ayaa laga soo xiray Kırşehir, shan waxaa laga soo qabtay Samsun, saddex-na waa Ordu, halka lix kamid ah laga soo xiray gobolka muhiimka ah ee Şanlıurfa.

Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in 21 kamid ah la tuhunsan yahay, kuwaas oo laba kamid ah ay caruur yihiin, kuwaas oo loo musaafuriyay gobolada dhexe.

Al-Baqdaadi oo ahaa ninkii loogu doondoonista badnaa caalamka ayaa ku dhintay howlgal qorsheysan oo Mareykanku ka fuliyey waqooyi barri ee Suuriya, sida uu Trump shaaciyey.

Kooxda la magax baxday Dowladda Islaamka oo xaqiijisay geerida Abuubabar Al-Baqdaadi ayaa ku dhawaaqday Amiirkeeda cusub, kaasoo kamid ahaa Golaha Shuurada ee ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM