Afghanistan iyo Taliban oo ku heshiiyey xabad-joojin la xiriirta Ciidda

Image

KABUL, Afghanistan – Dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban ayaa isku raacay saddex maalmood oo xabad-joojin ah inta lagu guda jiro dabaaldega Ciidul Adxaa, oo bilaabanaya 31-ka bisha July ee sanadkan 2020.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliban ayaa lagu caddeeyay in dagaalameyaashooda la faray in ay dhaqan-geliyaan xabad-joojinta isla markaana ay ka fogaadaan qaadista howlgalo.

Zabihullah Mujahed, afhayeenka Taliban oo bayaanka soo saarey, ayaa tibaaxay in maalmaha xabad-joojinta aysan u ogoleyn ciidamadda dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay soo galaan meelaha ay maamulaan.

Qoraalka oo lagu faafiyey luuqadaha Dari iyo Pashto ayaa xubnaha Taliban ku adkeeyay feejignaan iyo in aysan booqan goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamadda dowladda uu hogaamiyo Ashraf Ghani.

Saacado kahor shaacinta Taliban, madaxweyne Ghani ayaa balanqaadey sii deynta 5,000 maxbuus oo Taliban ah, talaabadaas oo qeyb ka ah is-dhaafsiga maxabiista oo xeerinaya heshiiska Talibann iyo Mareykanka.

Ghani ayaa sidoo kale ugu baaqay Taliban in ay u diyaar-garoobaan wada-xaajoodyadda nabadda ee qabsoomaya asbuuca dambe.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii kooxda ku dhawaaqdey saddex maalmood oo xabad-joojin ah lana xiriirta dabaaldegii Ciidul Fidriga, talaabadaas waxaa si weyn u soo dhaweysay dowladda Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM