Amaanka Duqa London oo sare loo qaaday kadib hanjabaado dil ah

Image

LONDON, United Kingdom – Talaabo naadir ah, Duqa caasimada wadanka Ingiriiska ayaa qirtay in uu helay fariimo xadgudub iyo hanjabaadyo isugu jira.

Sadiiq Khaan, oo Muslim ah, ayaa talaabadaasi kadib waxaa la adkeeyay amaankiisa, isaga oo la siiyey ciidamo Boolis oo si gaar ah u ilaaliya.

"Dadkaasi waxba ima yeelin karaan, balse mararka qaar kama baaqsan kartid xaqiiqada in aan ka murugooday," ayuu u sheegay majaladda afka dheer ee Guardian.

Khan ayaa sanadkii 2018-kii waxa uu helay 278 fariimo oo cagajugleyn ah oo uga yimid dhinaca baraha bulshada, kuwaasi oo ay ku jiraan qaar dil ah.

"Ma lihi xuquuq aan ku walwalo, sababtoo ah in aan ahay duqa London iyo mid tusaale u ah Muslimiinta, Boolis ilaaliyo ayaan haystaa," ayuu raaciyey.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xili Xildhibaano kale oo kamida baarlamaanka UK oo kasoo horjeeda ka bixitaanka Midowga Yurub ay qudhooda heleen fariimo goodis ah.

Intaasi waxaa wehlisa in mudaneyaasha dumarka oo si gaar ah loo beegsanayay loogu hanjabayey kufsi, dil iyo fadeexadeyn.

Sidda ku cad daraasad ay sameysay Jamaacadda London, 60% murashaxiinta Xildhibaanada ah ee doorashadii 2017-kii jir ahaan ayaa loogu xadgudbay.

Inta badan shaqsiyaadka la beegsanayo ayaa ah kuwa u ol'olaneynay in Afti kale oo ku aadan ka bixitaanka Midowga Yurub laga qaado dadweynaha.

Sikastaba ha ahaatee, Sadiiq Khan ayaa waxa uu noqday Muslimkii ugu horeeyay ee Maayar ka noqdo magaalo ka tirsan mid kamid ah dalalka ugu tunka weyn caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM