Askari toogasho ku dilay sideed kale oo saaxiibadii ahaa

Image

MOSCOW, Russia – Mas'uuliyiinta waddanka Ruushka ayaa waxay daboolka ka qaadeen in askari boolis ah uu toogasho ku dilay sideed kale oo saaxiibadii ah uuna dhaawacay ugu yaraan laba kale.

Falkan ayaa waxa uu ka dhacay saldhig milatari oo ku yaala Bariga Fog ee dalweynaha reer Yurub ee qaboobaha caanka ku ah.

Saraakiisha ayaa rumeysan in askariga khaarijinta sameeyay kaasoo la xiray ay soo food-saartay dhibaato dhanka maskaxda ah.

Toogashada ayaa maqribnimadii xiliga Russia waxaa laga soo wariyay degaanka Gorny oo aan sidaas uga fogeen magaaladda Chita.

Askariga oo aan magaciisa lasoo bandhigin ayaa waqtigaas ku qornaa ilaalida xeradda. Wuxuu ahaa askari diiwaan-gishan oo gunno leh.

Guddi gaar ah oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Difaaca, Andrey Kartapolov, ayaa u safraya gobolka si baaritaano loogu sameeyo dhacdadan oo hadalheyn iyo su’aallo dhowr ah ka dhex-dhalisay bulshadda.

Toogashooyinka iyo rabshadaha ayaa gilgilay milatariga Ruushka sanadihii 1990-kii iyo horaantii 200-kii ka gedaal markii ay soo wajahdey dhibaato mushahar la’aan ah iyo qalbi-jab kii ugu weynaa.

Dhacdooyinka noocaan ah, hase ahaatee, waxay sanadihii u dambeeyay ahaayeen kuwa aad ugu yaraa, kadib markii horumar baaxad leh uu Ruushku ka sameeyay Ciidanka iyo qalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM