Baaris lagu bilaabay duqeyn uu Mareykanka ku dilay askar

Image

KABUL, Afghanistan – Milatariga Mareykanka ayaa "si khaldan" waxa uu duqeyn ugu dilay Sideed kamida ciidamada Booliska Afghanistan.

Shilka oo Talaadadii ka dhacday gobolka koonfurta dhaca ee Helmand ayaa ka dambeeyay markii ay Taliban kusoo duushay xoogaga dowladda.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha ayaa shaaciyey in weerarka cirka uu ahaa mid garab lagu siinayey ciidamada.

Balse Nusrat Rahimi ayaa nan meesha ka saarin in baaritaan lagu bilaabay, isla markaana xaqiiqada ay soo bandhigi doonan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhimashada askarta waxay gaarsiineysaa 17 sarkaal oo ciidamada Booliska ka tirsanaa.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa u daabulay wadankaasi sanadkii 2014-kii waxayna qayb ka yihiin howlgalka ay halkaasi ka wado NATO.

Gobolka Helmand ayaa horey looga soo wariyey dhacdooyin noocaan ah inkasta oo ay u badan yihiin waxyeelo soo gaaray dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM