Ciraaq: Qaraar ka dhan ah ciidanka Mareykanka oo loo coddeeyay

Image

BAQDAAD, Ciraaq – Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maanta oo Axad ah u coddeeyay qaraar ku saabsan in ciidanka Mareykanka laga saaro waddankaas.

Fadhi aan caadi ahayn ayay mudaneyaasha cod wadar ogol ah ku go'aamiyeen in askarta Ameerikaanka ah isaga hayaamaan dalkaas.

Qaraarada baarlamaanka, oo aan ahayn sharci, ayaanan u baahneyn in loo gudbiyo xukuumadda ama laanta fulinta.

Talaabada baarlamaanka Ciraaq ayaa ka dambeysay markii Mareykanka uu dilay Qaasim Suleymaani oo ahaa Jeneraal sarre oo Iiraani ah.

Qaasim, taliyihii waaxda sirdoonka dibadda Iran, ayaa lagu khaarijiyey duqeyn Jimcadii lagula eegtay meel ku dhow garoonka Baqdaad.

Madaxweyne Donald Trump oo u qiil dayey dilka Suleymaani ayaa sheegay in uu mas'uul ka ahaa geerida iyo dhaawaca Ameerikaan ah.

Dowladda Iiraan oo u baroor-diiqdey Suleymaani ayaa wacad ku martay in ay qaadi doonto talaabo ay uga aar-gudaneyso Mareykanka.

Hogaamiyeyaasha Caalamka oo labada dal uga baaqay in ay muujiyaan dulqaad ayaa ka digay dagaal ama gacan ka hadal fool ka fool ah oo dhexmara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM