Ciraaq: Qaraar ka dhan ah ciidanka Mareykanka oo loo coddeeyay

Image

BAQDAAD, Ciraaq – Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maanta oo Axad ah u coddeeyay qaraar ku saabsan in ciidanka Mareykanka laga saaro waddankaas.

Fadhi aan caadi ahayn ayay mudaneyaasha cod wadar ogol ah ku go'aamiyeen in askarta Ameerikaanka ah isaga hayaamaan dalkaas.

Qaraarada baarlamaanka, oo aan ahayn sharci, ayaanan u baahneyn in loo gudbiyo xukuumadda ama laanta fulinta.

Talaabada baarlamaanka Ciraaq ayaa ka dambeysay markii Mareykanka uu dilay Qaasim Suleymaani oo ahaa Jeneraal sarre oo Iiraani ah.

Qaasim, taliyihii waaxda sirdoonka dibadda Iran, ayaa lagu khaarijiyey duqeyn Jimcadii lagula eegtay meel ku dhow garoonka Baqdaad.

Madaxweyne Donald Trump oo u qiil dayey dilka Suleymaani ayaa sheegay in uu mas'uul ka ahaa geerida iyo dhaawaca Ameerikaan ah.

Dowladda Iiraan oo u baroor-diiqdey Suleymaani ayaa wacad ku martay in ay qaadi doonto talaabo ay uga aar-gudaneyso Mareykanka.

Hogaamiyeyaasha Caalamka oo labada dal uga baaqay in ay muujiyaan dulqaad ayaa ka digay dagaal ama gacan ka hadal fool ka fool ah oo dhexmara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM