Baarlamaanka Mareykanka oo cambaareeyay talaabadda Trump

Image

WASHINGTON, US – Xeer-dejinta waddanka Mareykanka ayaa si adag waxay u cambaareysay go’aanka uu madaxweyne Donald Trump ciidamada dalkaas uga soo saarey Suuriya.

Fadhi ay yeesheen ayaa waxay ku qaadaceen talaabadan Trump, iyaga oo ku sifeeyay "qalad weyn".

Mudaneyaasha ayaa ku doodey in talaabadaas ay meel ka dhac ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe gaar ahaan Suuriya oo ay isku hayaan wadamo uu loolan ka dhaxeeyo.

Trump ayaa ciidamada Mareykanka kasoo saarey waqoyga Suuriya, taas oo Turkiga fursad u siisay in uu howlgal ku qaado uuna magaalooyin waaweyn ka qabsado falaagada.

PKK iyo YPG ayaa lumiyey dhul badan iyadda oo howlgalku socdo muddo ku suntay todobaad.

Ankara ayaa shaacisay in ay dishay ku dhowaad 600 dagaalameyaal ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil. Intaas waxaa wehlisa in ay nolosha ku qabatay boqolaal iyo qaar isa soo dhiibay.

Howlgalka Turkiga ayaa cambaareyn caalami ah la kulmay, waxaana loogu baaqay in uu joojiyo. Hase ahaatee, madaxweyne Recep Tayib Erdogan wuxuu ku adkeystay in ay sii wadayaan.

Talaabada baarlamaanka Mareykanka ayaa dharbaaxo ku noqoneysa maamulka Trump oo cunaqabateyn saarey Turkiga kuna fekeraya in uu kordhiyo kahor inta aysan wada hadal furin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM