Baarlamaanka Sri Lanka oo shir deg deg ah yeelanaya kadib qaraxyo

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Golaha Xeer-dejinta ee dalka Sri Lanka ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray kadib weeraro khasaaro xoogan dhaliyay oo gil-gilay wadankaasi.

Qaraxyadda oo gaaraya illaa iyo sideed ayaa lagu beegsaday dhismayaal ka kooban huteelo raaxo iyo Kaniisado.

Ku dhowaad 200 qof ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dhacdooyinkaasi. Wallow la xaqiijiyay geerida 185 ruux oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Afhayeenka baarlamaanka Sri Lanka, Karu Jayasuriya, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in kulanka uu qabsoomayo 23-ka bishaan.

Shirkaas ayaa lagu lafaguri doonaa xaaladda deg deg ee wadankaasi uu galay, iyadda oo lagu dhawaaqay maalmo baroor-diiq ah.

Dhanka kale, booliska ayaa soo rogay bandow socon doona 12-saacood kaasi oo ujeedkiisu yahay in xaaladda lagu dejiyo.

Weerarkaan ayaa la sheegay in uu noqonayo mid kamida kuwii ugu dhismashada badnaa ee taariikhda casriga ka dhacay Sri Lanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM