Beer ku taala London oo laga helay meydka ruux kasoo dhacay diyaarad

Image

LONDON, UK – Meydka nin la rumeysan yahay in uu kasoo dhacay diyaarada Kenyan Airways ayaa Axadii laga helay goob lagu nasto oo ku taala koonfurta London, caasimada dalka Ingiriiska.

Bileyska oo dhacdadan xaqiijiey ayaa shaaciyey sidoo kale ay goobta kasoo heleen boorso, biyo iyo xoogaa cunto ah, kuwaasi oo iyana soo dhacay xili ay diyaarada soo cago dhiganeysa madaarka.

Ma cadda hadii ninka uu isaga si shaqsi ah isku soo gannay ama in ay daaqada furneyd oo hawada ay soo riday taasoo hadii la xaqiijiyo dharbaaxo ku noqoneyso shirkada duulimaadka Kenya.

Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii, nin magaciisa lagu sheegay Jose Matada uu kasoo dhacay British Airways xili ay kusii jeeday Angola ee qaarada Afrika.

Mr Matada oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Mozambique ayaa waxaa laga helay East Sheen 9-ka bishii September ee sanadkaasi.

Sanadkii 2015-kii, meydka ruux kale ayaa laga helay dusha tukaan ku taala Richmond, waxaana la tilmaamay in uu ka yimid Johannesburg oo Koonfur Afrika ka tirsan uuna kusii jeeday Heathrow oo UK ah.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa noqontay mid kamid ah kuwa ugu hadalheynta badan gudaha UK, iyadda oo weydiimaha ugu badan ay yihiin kuw ku qotoma bad-qabka diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM