Beer ku taala London oo laga helay meydka ruux kasoo dhacay diyaarad

Image

LONDON, UK – Meydka nin la rumeysan yahay in uu kasoo dhacay diyaarada Kenyan Airways ayaa Axadii laga helay goob lagu nasto oo ku taala koonfurta London, caasimada dalka Ingiriiska.

Bileyska oo dhacdadan xaqiijiey ayaa shaaciyey sidoo kale ay goobta kasoo heleen boorso, biyo iyo xoogaa cunto ah, kuwaasi oo iyana soo dhacay xili ay diyaarada soo cago dhiganeysa madaarka.

Ma cadda hadii ninka uu isaga si shaqsi ah isku soo gannay ama in ay daaqada furneyd oo hawada ay soo riday taasoo hadii la xaqiijiyo dharbaaxo ku noqoneyso shirkada duulimaadka Kenya.

Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii, nin magaciisa lagu sheegay Jose Matada uu kasoo dhacay British Airways xili ay kusii jeeday Angola ee qaarada Afrika.

Mr Matada oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Mozambique ayaa waxaa laga helay East Sheen 9-ka bishii September ee sanadkaasi.

Sanadkii 2015-kii, meydka ruux kale ayaa laga helay dusha tukaan ku taala Richmond, waxaana la tilmaamay in uu ka yimid Johannesburg oo Koonfur Afrika ka tirsan uuna kusii jeeday Heathrow oo UK ah.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa noqontay mid kamid ah kuwa ugu hadalheynta badan gudaha UK, iyadda oo weydiimaha ugu badan ay yihiin kuw ku qotoma bad-qabka diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM