Bin Salman oo sharaxay sababta uu u qaatay mas'uuliyada dilka Khashoggi

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa wuxuu si cad beeniyay in uu amray in la khaarijiyo, saxafiga Jamal Khashoggi.

Bin Salmaan oo wareysi siiyey muuqaal-baahiyaha MBC ee Mareykanka ayaa tibaaxay in ka hogaamiye ahaan in uu qaadanayo mas'uuliyadda falka lagu dilay wariyeyahaas.

"Waa khalad dhacay. Aniga ayaa qaadanaya mas'uuliyadda si looga fogaado in ay dhacaan mustaqbalka arrimaha noocaan ah," ayuu hadalkiisa kusii daray ninka ugu awooda badan Sacuudiga.

Dhinaca kale, Bin Salmaan ayaa sheegay in hadii ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah Ceelasha Shidaalka Sacuudiga ay sarre u qaadi karaan qiimaha Shidaalka aduunka.

Dunida ayuu cod dheer ugu codsaday in ay wax ka qabtaan "gabood-faladda" Iiraan oo uu ku eedeeyay weerarkii dhowaan lagu ekeeyay keydka shidaalka Shidaalka.

Xukuumada Tehran ayaa iska fogeysay falkaas. Xuutiyiinta Yemen ayaa dusha saartay mas'uuliyadda, inkasta oo xulufada Sacuudi ay ganafka ku dhufteen sheegashooyinkaas.

Mareykanka, Ingiriiska iyo xulafadooda ayaa sheegay in Gantaalada loo adeegsaday weerarkaas ay yihiin kuwa ay farsameyso Iiraan, waxayna ku booriyeen in ay joojiso gulufka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM