Biriq ku habsatay koox dad ah oo kaliya galaafatay haweenay

Image
Image
Image

LONDON, UK - Hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay ka gedaal markii ay ku habsatay biriq, iyaddda oo mareysay dhul buuraley ah.

Haweenaydan ayaa ku jirtay koox ka kooban todoba ruux kuwaasoo ay musiibadan ku haleeshay Na Gruagaichean oo ah buur ku dhow buurta kale ee Ben Nevis.

Booliska Scotland ayaa shaaca ka qaadey dhamaan shaqsiyaadkaasi uu soo gaarey dhaawacyo balse kaliya haweenaydaasi ay geeriyootay.

Marxuumad Isobel Bytautas oo ahayd 55-sano jir ayaa waxaa goobta looga qaadey dhaawac ahaan balse dib ayaa laga soo sheegay dhiashadeeda.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in haweenay kale oo dhibaneyaasha ku jirta ay wajaheyso xaalad aanan kala caddeyn.

Bileyska ayaa ku waramaya in haweenaydaasi ay u gudbin doonan Isbitaalka weyn si xaaladeeda caafimaad si gaar ah isha loogu hayo.

Mas'uuliyiinta goobta ay mashaqadu ka dhacday ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay kasoo jeeda haweenaydaasi oo ay naxariis u rajeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM