Booliiska oo qabtey nin dalka Mareykanka ku diley Xaaskiisa

Image

SAN DIEGO - Ninkii qabey gabar laga heley iyadoo Mayd ah gurigeeda oo ku yaaley magaalada San Diego dalka Mareykanka ayaa lagu qabtey dalka Panama, sidaas waxaa saxaafada u sheegey Booliska.

Cabdicasiis Kerow, 45 jir ah ayaa dib loogu soo celiyey dalka Mareykanka Khamiistii waxaana lagu eedeyey inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa, Muna Kuri, 36 jir ah, waxaa sheegey sidaan Booliska San Diego. 

Kuri ayaa waxaa Maykeeda heley walaasheed Aamina Salad, gurigeeda oo ku yaal xaafada la yiraahdo Van Dyke March 4 labo cisho kaidb markii qoyskeeda wax war ah ka waayeen.

Salad ayaa tiri waxaan aadey gurugeeda si aan bal xaalkeeda u ogaado kadib markii aysan u soo shaqo tagin goob shaqo ay laheyd.

Kuri ayaa dalka Mareykanka soo gashey 2000 waxayna ninka guursatey 2014 iyadoo aheyd Qof ganacsato ah. 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM