Booliska oo ku raad-jooga rag baxsad ah oo dilay wiil Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo caddeyn u noqonaya dilka 18-sano jir ayaa Arbacadda maanta ah lasoo bandhigay.

Fahad Maxamed Nuur ayaa dhintay markii meel ku dhow boosjeetada tareenka ee magaaladda Cathays oo ka tirsan Cardiff lagu tooreeyay 2-da bishii June.

Muuqaalka, oo uu baahiyey booliska Koonfurta gobolka Wales, ayaa wuxuu muujinayaa saddex rag oo ku soconaya aagaas oo xirnaa waqtigii khaarjinta.

Saddexda qof ayaa waxaa lagu soo dacweeyay dilka Mr Nuur, waxaana lagu wadaa in ay maxkamadda kasoo muuqdaan bisha dambe ee November.

Mark O'Shea, oo ah taliyaha bileyska, ayaa daboolka ka qaadey in marqaatiga dhabta ah aan wali la aqoonsan "inkasta oo ay jiraan baaritaano balaaran".

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, xubnahaan oo laamaha ammaanka codsadeen in laga caawiyo qabashadooda ayay "cadahay in ay iyagu dambiga geysteen".

"Waa waajib in aan carabka ku adkeeno in aysan noqon [shaqsiyaadka] kuwa looga shikiyey ama lala xiriirinayo habka dhimashada Fahad," ayuu raaciyey.

Mr Nuur, kaasoo ku dhasyay Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya, oo dal dhac dhaca Geeska qaaradda Afrika, ayaa qoyskiisa kula noolaa Cathays.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM