Booliska oo xabsiga dhigay wiil la dhashay madaxweyne hore

Image
Image

ALGIERS, Algeria – Booliska dalka Algeria lagu waramayaa in kadib howlgal ay sameeyeen ay kusoo xireen wiil ka dhashay madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cabdicasiis Butafliikha.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, sidoo kale waxaa xabsi la dhigay laba sarkaal oo kamid ahaa sirdoonka wadankaasi Carbeed.

Xariga raggaan oo aad ugu dhowaa Butafliiqa ayaa lala xiriirinayaa baaritaano ku socday mudooyinkii dambe dhaqdhaqaaqooda.

Butafliikha ayaa is-casilay horaantii sanadkaan markii ay gil-gileen dalkaasi dibad-baxyo looga soo horjeedo maamulkiisa.

Hogaamiyahaan 82-jirka ah ayaa wadankaasi xukumayey tan iyo markii uu inqilaab milatari uu xukunka kula wareegay sanadkii 1991-dii.

Balse waxa uu kamid ahaa laba kamid madaxda Carbeed ee galaaftay mudaaharaadyo iyada oo uu ku xigay Cumar Al Bashiir, madaxweynihii Suudaan.

Qabashada walaalka Butafliikha iyo laba sarkaal ayaa imaanaya iyada oo ay haatan xiran yihiin saraakiil kale oo lagu eedeeyay in ay abaabulayaan dibin-daabin ka dhan ah ciidamada iyo shacabka wadankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM