Booliska Turkiga oo u dhacay aqallada xubno ka tirsan militeriga

Image

Booliska Turkiga ayaa u dhacay aqallada boqollaal ka tirsan ciidamada militeriga Jimcaha maanta, kuwaas oo lala xiriirinayo af-gembigii dhicisoobey ee July 2016.

Xafiiska dacwad oogaha, ayaa xubnahaasi ku eedeyey inay xiriir la leeyihiin wadaadk Turkishka ah ee Mareykanka ku dhaqan Fethullah Gulen. 

Ankara ayaa eedda isku deyga af-gembi dusha ka saarta taageerayaasha Gulen, kaas oo dhaq dhaqaaqiisa Hizmet uu awood ku leeyahay bulshada Turkish-ka ah, oo ay ku jiraan warbaahinta, booliska iyo garsoorka.

Toddobaadkan, Turkigu waxa ay xabsiga dhigeen saxafiyiin iyo aqoon yahanno, kuwaas oo lagu eedeyey inay baahiyeen hadallo ka dhan ah dowladda jirta.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM