Booliska Yahuuda oo xabsi u taxaabay mas'uul sarre oo Falastiini ah

Image

ANKARA, Turkey – Booliska Yahuuda ayaa Khamiitsta maanta ah waxay xireen Adnan Ghaith oo ah gudoomiyaha Falastiiniyiinta ee magaaladda Jerusalem.

Xarigga ayaa yimid markii ciidamadda ay ku duuleen hoyga Ghaith ee xaafadda Silwan, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Ghaith ayaa xorriyadda laga qaadey dhowr bilooyinkii lasoo dhaafay, sidda ay soo tabisay warbaahinta gudaha.

Ma cadda sababta loo beegsanayo. Booliska Yahuuda illaa iyo haatan si rasmi ah ugama hadlin dhacdooyinkii lasoo dhaafay.

Jerusalem ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxay xudun u ahayd colaadda Bariga Dhexe xili Falastiiniyiintu rajeynayaan in bariga Qudus oo ay Israel qabsatay 1967-dii ay noqoto caasimadda dowladda Falastiin.

Sharciga caalamiga ah ayaadhigaya in magaaladda Qudus iyo Daanta Galbeed ay yihiin dhul la haysto, waxaana degaameynta Yahuudu u aqoonsan yahay mid baalmarsan qawaaniinta dunida iyo sharci darro.

Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uusan dhex ka ahayn colaadda Falastiiniyiinta iyo Yahuuda maadaama Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimada Isreal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM