Boqolaal kamid ah mas'uuliyiinta boqortooyada Sacuudiga oo la xiray

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqolaal kamid ah mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa xabsi loo taxaabay, sidda ay ku warantay warbaahinta caalamka.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa lagu waramay in ay kamid yihiin; saraakiil sar-sarre oo ka tirsan milatariga iyo ciidamadda ammaanka.

Sidda ku xusan warbixinadda, shaqsiyaadkaas waxay wajahayaan dacwado la xiriira laaluush iyo in ay ka macaasheen xafiisyada dowlada.

Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Sacuudiga oo loo yaqaano Nazaha ayaa goor dambe oo Axadii shalay ku dhawaaqay xariga.

Nazaha ayaa tilmaamtay in ay baaritaano ku waddo eedeysaneyaasha, oo ay tibaaxeen in ay lasoo taagi doono cadaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa daaha ka rogay in tiradda dadka la xiray ay gaarayaan 298 loona haysto laaluush qaadasho iyo maamul xumo.

Dhowaan ayay ahayd markii Maxamed bin Salmaan, dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, uu amray xariga xubno kamid ah qoyska talada haya.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Sacuudigu xir-xiray ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah kuwaasoo lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Xariga soo cusboonaadey ayaa imaanaya xili Bin Salmaan uu wajahayo eedeymo la xiriira in uu beegsanayo dadka uu u arko in ay halis ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM