Boqorka Morocco oo cafiyey wariye loo xiray in ay ilmo iska soo xaaqdey

Image

RABAT, Morocco – Boqorka Morocco, Maxamed-ka 6aad, ayaa cafiyey Hajar Raissouni, gabar wariye ah oo bishii hore hal sano loogu xukumay in ay gogol dhaaf sharci darro ah la sameysay saaxiibkeed ayna Ilmo iska soo xaadey.

Wasaaradda Cadaaladda oo go’aanka boqorka ku sifeysay "mid naxariis leh" ayaa waxay daboolka ka qaadey in Raissouni iyo saaxibkeed ay doonayeen in ay qoys ku yag-leelaan qaab sharciga waafaqsan.

Kiiska Raissouni oo gudaha iyo dibadda ka sababay cambaareyn ayaa lagu saleeyay xorriyadda hadalka iyo shaqsiga bini'aadamka.

Marka la joogo Morocco, waxaa sharci darro ah isu tagga ragga iyo dumarka ee caadiga ah iyo ilmo iska soo xaaqitaanka.

Sidda ay sheegeen ururada u dooda xuququda aadanaha, maalin walba waxaa dalkaas ka dhaca 600 illaa iyo 800 oo ilmo iska soo xaaqitaan ah. Kaliya 2018-kii waxaa la diiwaangeliyay 41 kiis oo ku aadan arrinkan.

Raissouni, 28-jir la shaqeysa Akhbar al-Youm, wargeys madax banaan kaasoo mucaarad ah, ayaa horey u ahayd hogaamiye siyaasadeed waana haweenay haysata Diinta suuban ee Islaamka.

Kadib sii deynteeda, iyadda oo la hadleysa warbaahinta ayaa waxay tibaaxday in laga soo kaxeeyay xarunta jaraa'idka kadibna baaritaano loo kaxeeyay. Ururada u doodayey waxay sheegeen in waqtigaas la jirdilay.

Xeer-ilaalinta ayaa meesha ka saartay in xariga gabdhan uu daarnaa shaqadeeda wariyeynimo markii eedaas loo jeediyay.

Iyaga oo ka hadlayey fadhiga Maxkamadda, labadooda - Raissouni  iyo saaxiibkeed - waxay sheegeen in ay is-maher-sadeen balse aysan wali isku dabaridin guurkooda.

Dakhaatiirta waxay sheegeen in Raissouni aysan sameynin wax ilmo iska xaaqitaan ah kadib markii boolisku waydiistay in hubin lagu sameeyo, taas oo natiijada kasoo baxday ay noqotay in eedeymahaas lagu waayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM