Boris Johnson: Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo laga helay Coronavirus

Image

LONDON UK – Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, wuxuu ku shaaciyey in uu qaadey Coronavirus.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay London ayaa xusay in uu tijaabo maray kadib markii uu isku arkay astaamaha xanuunka.

Ma uusan fahfaahin qaabka uu ku qaadey ama waxa uu tuhunsan yahay. Balse, waxaa la aaminsan yahay in uu kasoo gaarey dad uu la kulmay.

Boris ayaa daboolka ka qaadey in uu galayo karan-tiil shaqsi ah isla markaana shaqooyinka dowladda uu kusii wadayo muuqaal ahaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu sii dardargelin doonto la dagaalanka caabuqaas dilaaga ah.

"Wadajir ayaanu uga guuleysan karnaa," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo shacabka ku boorinaya in ay kaalin weyn ka qaataan ololaha socda.

Kiisaska Coronavirus ee laga xaqiijiyey gudaha boqortooyadda UK ayaa gaaraya kumanaan, iyaddoo geerida ay boqolaal mareyso, haatan.

Si ay uga hortagto faafitaan horleh, dowladda Britain ayaa soo rogtay xayiraadyo horleh oo ay kamid tahay joojinta isu socodka iyo kulamada dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM