Caasimada Ecuador oo bandow lagu soo rogay xili uu jiro qalalaaso

Image
Image

QUITO, Ecuador – Madaxweynaha Ecuador ayaa kusoo rogay caasimadda mandow aanan la shaacin xiliga uu ku ek-yahay balse bilaaban doona wixii ka dambeeya 15-ka galabnimo xiliga wadankaas.

Ku dhawaaqistan oo uu ka sameeyay Telefishinka Qaranka ayaa waxa uu Lenín Moreno ka dhawaajiyey in ay gacan bir ah ku qaban doonan cid kasta oo isku dayda in ay sameyso qalalaaso.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dalkaas ay ka socdeen mudooyinkii dambe qalalaaso ka dhashay banaanbax ay dhigayaan shacabka oo dalbanaya in uu is-casilo madaxweynahooda.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay markii sarre u kac ay dowladdu ku sameysay qiimihii Shidaalka, taasi oo caaro keentay.

Dibad-baxayaasha ayaa beegsanaya dhismeyaasha dowladda, iyaga oo ku ganaya dhalooyin ay ku jiraan walxo qarxa. Kooxda dab-damiska ayaase daba socda oo ku guuleysanaya in ay damiyaan dab walba.

Sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah, ku dhowaad 30 ruux ayaa xabsi loo taxaabay tan iyo markii ay qarxeen isu soo baxyada oo tan iyo todobaadkii hore kusoo baahay magaalooyinka kale waaweyn.

Falanqeeyeyaasha ayaa calaamad su’aal gelinaya hadii go’aanka Bandow uu kala dhan-taali karo banaanbaxyadda abaabulan.

Ecuador, waa dal ku yaala xeebta koonfureed ee Ameerika, kaasi oo shaqo la’aantu ay gaartay 4.9%, sidda ku xusan qiimeyn la sameeyay Maaj 2019-ka. Xukuumadda waxay ku dhaartay in ay dhimeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM