Cabsi xooggan oo ka jirta Sacuudiga kadib markii lagu arkay Coronavirus

Image

RIYADH - Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay oo ku dhacay cudurka coronavirus laga helay dalkaasi maalintii shalay, Isniin, March 2.

Muwaadin u dhashay Sacuudiga oo ka yimid Iran, islamarkaana kasoo gudbay dhinaca Bahrain, ayaa Virus-ka laga helay kadib markii lagu sameeyay baaritaan, waxaana durbadiiba la geliyay karantiil.

Coronavirus, oo markii ugu horeysay lagu arkay China December 2019, ayaa ku faafay in ka badan 60 dal, iyadoo cudurkan ay u dhinteen 3,044 oo qof guud ahaan caalamka.

South Korea ayaa gashay kaalinta labaad dalalka sida ba’an u saameeyay xanuunka, oo dadka qabo dunida lagu qiyaasay in ka badan 89,000, sida ay sheegtay hay’adda WHO.

Coronavirus waxa uu gaarey dalalka ku yaalla Bariga Dhexe, waxaana kamida Kuwait, Iraq, Iran, Bahrain iyo Sacuudiga. Dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jiraan ayuu ku dhacay cudurka dalka Iran.

Dowlado badan ayaa xirtay xuduudahooda cirka, badda iyo dhulka ay la leeyihiin wadamada sida aadka ah u sameeyaay Coronavirus-ka, kuwaasoo ay ugu horeeyaan China, Italy, South Korea iyo Iran.

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa maalmo kahor sheegtay inay joojisay bixinta fiisooyinka Cumrada ee dadka Ajnabiga loo soo saari diray, waxaana khatar ku jira inuu saameeyo Xajka sanadkan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM