Cabsida laga qabo inuu Coronavirus gaaro Turkiga oo "xoogeysatay"

Image

ANKARA, Turkey – Suurtagalnimada in Coronavirus uu gaaro gudaha Turkiga "aad bey u sareysaa," sidaas waxaa maanta oo Talaado ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Fahrettin Koca, wasiirka caafimaadka waddankaas, ayaa warkaas ka dhawaajiyey, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Koca ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ay qaadayaan "talaabooyinka laga maarmaanka ah si looga baaqsado arrintaas".

Hadalka wasiirka ayaa xoojinaya walaaca dadweynaha Turkida ah, si lamid ah, ajaaniibta kale oo ay Soomaalidu kamid tahay.

Wallow aan wali laga helin Turkiga, cudurkaas dilaaga ah oo laga xaqiijiyey in ka badan 90 dowladood ayaa dilay ku dhowaad afar kun oo ruux.

Sidda ku xusan warbixintii u dambeysay, in ka badan 64-kun oo ruux ayaa kasoo kabtay markii la karan-tiilay.

In ka badan 150-kun oo kiis ayaa laga diiwaan-geliyey tan iyo markii uu xanuunkaas kasoo bilowday dalweynaha Shiinaha.

Coronavirus, oo si fudud u faafi og, ayaa ku biiray liiska caabuqyada geerida ugu badan ku sababay waqti kooban, wallow ay sii xoogeysaneyso cabsida laga qabo in uu kaalinta koowaad galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM