Cadaalad loo raadinayo gabar 12-jir Soomaali ah oo "lagu dilay" UK

Image
Image

LONDON, UK – Boqolaal ayaa isu soo bax ku qabtey caasimada Boqortooyadda Ingiriiska iyaga oo cadaalad u dalbaya gabar Soomaali ah taasi oo waalidkeedu sheegay in ay geeriyootay markii webi "lagu kala-gamay".

Shukri Yaxye Cabdi, 12-jir taasoo sanadkii hore ka baxday dalkeeda hooyo, ayaa meydkeeda Khamiistii lasoo dhaafey waxaa laga soo saarey webi ku yaala xaafadda Bury ee magaaladda weyn ee Manchester.

Dibadabaxa oo kasoo bilowday dugsigii ay dhiganeysay marxuumadda ayaa banaanbaxayaasha waxay wateen boorar ay ku xardhan yihiin "Cadaalad ha hesho Shukri, Ma ilaabi doono Shukri" iyo erayo kale.

Hooyo Zamzam Tuure oo rumeysan in gabadheeda "la dilay" ayaa iyadda oo qiireysan ku tartarsiisay laamaha ammaanka in ay baaraan gal-dacwadeedkan, sharcigana la horgeeyo gacan ku dhiigleyaasha.

"Waxay ahayd gabar wanaagsan oo aanan iyadda oo kale heli doonin," ayay hadalkeeda raacisay Zamzam, sidda ay ku sheegtay wareysi ay bixisay oo ay soo xigatay saxaafadda Ingiriiska.

Inkasta oo codsiga ku aadan in baaritaan lagu sameeyo dhacdadan ay saxiixeen in ka badan laba kun oo ruux, haddana booliska ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin caddeymo shaki gelinaya kiiska si loo baaro.

Soomaalida ayaa kamid ah qaxootiga Muslimiinta ee ku nool Ingiriiska kuwaasoo wajahaya dhibaatooyin Islaam iyo soo-galooti naceyb u badanna dil, taasi oo waalidka ku qasabtay in ay caruurtooda wadanka dib ugu soo celiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM