Carro ka dhalatay shaqo joojin lagu sameynayo baarlamaanka UK

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa wada qorshe uu bisha September, shaqo joojin ugu soo rogayo baarlamaanka waddankaasi.

Boqoradda Ingiriiska ayaa aqbashay soo jeedinta Johson, taasi oo kusoo aadeysa iyadda xeer-dejina diyaarineyso sharci muhiim ah.

Xeerkaasi oo cod loo qaadayo 31-da October ayaa ku saabsan in UK aysan ka bixin Midowga Yurub, iyadda oo aanan heshiis la gaarin.

Xiliga xayiraada la saarayo Xildhibaanadda Britain ayaa ah maalmo kadib marka ay shaqadda kusoo laabtan, maadaama ay haatan fasax ku maqan yihiin.

Caro ka dhalatay qorshahan

Dhinaca kale, qolada mucaaradka oo ka fal-celisay talaabadda Johson ayaa ku tilmaamay "afgembi" uu damacsan yahay wasiirka koowaad ee xukuumada London.

"Joojiin qilaabka, waa wax aanan la aqbala karin," sidaasi waxaa yiri Jeremy Corbyn, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka, kaasi oo wada olale balaaran.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu raaciyey: "Caradda waa mid dastuuri ah, waana mid dimoqraadiyadda ku saleysan".

Go’aanka uu qaatay Boris ayaa daaran maadaama mucaaradka uu ku badan yahay baarlamaanka, uuna u mari doonin heshiis walba oo uu la yimaado.

Boris Johson ayaa kadib markii uu xafiiska la wareegay dhowaan waxa uu wacad ku maray "in uu UK ka saari doono Midowga Yurub ama uu iman doono qorshihiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM