China iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka jawaabay wararka laga faafiyey Kim

Image

SEOUL, South Korea – Dowladaha Shiinaha iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in xaalada caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ay tahay mid aad u liidato.

Mas'uuliyiin ka tirsan Seoul iyo Beijing ayaa ku waramay in xogta ay helayaan ay muujineyso Kim Jong Un uu yahay mid badqaba isla markaana aysan dhibaato ba'an oo haatan haysata.

Warbaahinta Mareykanka ayaa warisay in caafimaadka Kim uu halis galay kadib markii uu galay qaliin dhanka wadnaha ah.

Telefishinka maxaliga ah ee CNN ayaa kasoo xigtay sarkaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka in ay aad ula soco doonan xaaladda Kim.

Wargeyska Daily NK ayaa baahiyey in qaliinka lagu sameeyay Kim uu ka dambeeyay markii uu kordhay cayilka isla markaana uu badsaday sigaar-cabista iyo shaqooyin aad xad-dhaafu ah.

Joornaalka fadhigiisu yahay Kuuriyadda Koonfureed waxaa wax ku qora shaqsiyaad kasoo baxsaday maamulka go'doonsan ee Kim.

Xanta hareysay xaalada caafimaad ee Kim ayaa ka dambeysay markii uusan kasoo muuqan munaasabado waaweyn oo dhowaan dhacay.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa nan lahayn warbaahin madax-banaan. Isha kaliya ee wararka laga helo waa saxaafadda dowladda. Marka ay timaado akhbaarta Kim Jong Un, way adag tahay in la helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM