Ciddii jabsatay baraha Twitter-ka ee madaxda Mareykanka oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa soo bandhigtay fahfaahin ku saabsan jabsashadii lagula kacay ciwaanada Twitter-ka ee madaxda iyo maalqabeeno caan ka ah waddankaas.

Wargeyska New York Times ayaa wariyey in saddex dhalinyarro saaxiibo ah oo midkood uu yahay 19-jir ay ka dambeeyeen falkaas.

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay in ruux kale oo aan wali la aqoonsan balse isku sheegay in uu kamid yahay shaqaalaha Twitter-ka uu u fududeeyay talaabadaas, wallow aan wali la xaqiijin in uu xiriir ka dhaxeeyo.

Shaqsiga sheegtay in uu kamid yahay shaqaalaha Twitter-ka ayaa lagu waramay in uu da'yarta u sheegay in uu u hayo aqoonsiyada ciwaanimada Twittero ay leeyihiin dad magac leh isla markaana uu ka iibinayo.

Ruuxaan ayaa iib-geynta soo bandhigay mareega OGusers.com, halkaas oo dhalinyaraddan oo dheeleysa ciyaar-gacmeed ay ka arkeen.

Wiilka 19-jir ah ee lala xiriiryey falkaas oo waalidkii kula nool Ingiriiska ayaa iska fogeeyay in uu isagu ka dambeeyo, hase ahaatee, wuxuu qirtay in uu iibsaday akoon lasoo xaday isla markaana uu ahaa macaamiil.

Joseph O'Connor oo caan ku ah magaca PlugWalkJoe ayaa tibaaxay in uusan ka baxsan doonin sharciga, balse uusan dambi gelin.

"Inkasta oo aan u fududeynay, haddana lama shaqeynin markii uu bilaabay in uu weeraro ciwaanada caanka ah," ayuu u sheegay NYT.

Shaqsiyaadka ciwaanada laga jabsaday waxaa kamid ah Joe Biden, Bill Gates, Barack Obama iyo Elon Musk. Markii lala wareegay, barahooda waxaa lasoo dhigay qoraalo dadka looga codsanayo in ay lacago soo diraan.

Hay'adda sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI iyo shirkadda Twitter-ka ayaa baaritaano wadajir ah ku bilaabay dhacdooyinkan.

Weerarkaan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu cuslaa oo ay fuliyaan kooxo u dhaca baraha Internet-ka dadka caanka ah oo aan wax xiriir ah la lahayn shabakado abaabulan, waxaana ay ka yaabiyeen caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM