Ciwaanada Twitter-ka ee madax iyo maalqabeeno caan ah oo la jabsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baraha ay bogga Twitter-ka ku leeyihiin madax iyo maalqabeeno Mareykanka ah oo ay ku jiraan Barack Obama, Bill Gates, Joe Biden iyo shirkado waaweyn ayaa la jabsaday, saacadihii u dambeeyay.

Shirkadda Twitter-ka oo xaqiijisay dhacdooyinkan ayaa xustay in ay ka shaqeyneyso sidii ay dib ugu soo celin lahayd ciwaanadaas oo qaarkood lasoo dhigay fariimo, wallow kolkii dambe laga masaxay.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in kooxda ka dambeysay falkaan ay codsaneyso dhaqaale ay sheegeen in ay ugu deeqi doonan dad tabaaleysan, balse, illaa iyo hadda lama ogaan waxay yihiin.

Warbaahinta ayaa warineysa in weerarkan Internet-ka uu yahay mid abaabulan, inkasta oo aysan carabaabin cidda ka dambeysa, marka laga reebo in ay xuseen in ay ku lug lahaan karaan shaqaale Twitter ka tirsanaa.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah ciwaanada lagu guuleystay in dib loosoo celiyo, wallow uusan jirin war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay shirkadda Twitter-ka iyo madaxdii lahayd barahaas.

Jabsashadda ciwaanada baraha bulshadda ayaa soo kordheysa sanadihii lasoo dhaafay, si gaara kuwa ay leeyihiin shaqsiyaadka caanka ah, waxaana ay qayb ka tahay loolanka ama hardanka hogaaminta tiknoolajiyada dunida.

Baraha bulshada ayaa sanadihii u dambeeyay kaalin weyn ku lahaa ololaha doorashada madaxtooyadda Mareykanka iyo qaar kamid ah wadamada caalamka, waana halka laga abaabulo isu soo baxyadda jamaahiirta siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM