Corona oo galay qasriga boqortooyada UK, dhaxal-suge laga helay cudurka

Image

LONDON, UK - Amiirka Wales oo baaritaan culus maray ayaa waxaa lagu ogaaday in uu soo ritay xanuunka Coronavirus, sidda lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence.

Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay calaamado COVID-19 ah oo iska yara fudud "balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay," ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, hase ahaatee nasiib wanaag, sidda ku cad bayaanka, waa laga waayey cudurkaas. Wales waa dhaxal-sugaha boqortooyada.

Aqalka Clarence ayaa xusay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ku sugnaa guriga maalmihii lasoo dhaafay.

Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: "Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay baaqi kusii ahaan doonan gurigooda ku yaalla Scotland".

"Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in caabuqaas dilaaga ah uu haatan si rasmi ah u galay Qasriga Boqortooyadda UK, iyaddoo falanqeeyeyaasha ay tibaaxeen in la filan karo kiisas kale oo horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM