Coronavirus: Tiradda dhimashada guud ahaan caalamka oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tiradda geerida guud ahaan caalamka ee Coronavirus ayaa waxay dhaaftay in ka badan 25-kun oo ruux, sidda ay muujisay macluumaad ay soo bandhigtay Jaamacada Johns Hopkins.

Warbixinta oo warbaahinta xigatay ayaa muujisay in dadka uu soo ritay cudurka ay tiradoodu mareyso 553,000.

Sidda laga soo xigtay xog-uruurina, dadka kasoo bogsaday xanuunka waxay tiradoodu ka badan tahay 127,500.

Mareykanka waa dalka laga soo sheegay kiisaska ugu badan ee fayruska. Illaa iyo haatan, waxaa la diiwaan-geliyey in ka badan 86-kun qof oo uu soo ritay waxaa ka bogsaday 800; 1,300 way dhinteen.

Talyaaniga oo hogaaminaya tirada dhimashada caalamka oo dhan ayaa dhaafay Shiinaha oo safka hore kaga jiray; illaa iyo hadda, gudaha Italy waxaa xanuunka ugu dhimatay ku dhowaad 90-kun.

Kaliya shalay oo Jimce ahayd, waxaa lasoo wariyey in dilaaga aan muuqan ee Covid-19 uu galaaftay ku dhowaad kun ruux, inta illaa iyo hadda waa iskoorkii ugu horeeyay in 24-saac ay tiradaas dhimato.

Fayruska Corona oo kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha ayaa saameeyay qeybo badan oo nolosha bini'aadamka. Marka laga yimaado ka hortag, ma jiro daawo rasmi ah oo cudurka looga soo kaban karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM