Covid-19 oo dilay tirro ka badan Ameerikaanka ku dhintay WW1

Image

WASHINGTON, US – Safmareenka Coronavirus ayaa dilay in ka badan dadka Mareykanka uga geeriyooday dagaalkii koowaad ee aduunka, sidda ku xusan warbixinta Jaamacadda Johns Hopkins.

Tiradda guud ee geerida Covid-19 ee Mareykanka waxay mareysaa in ka badan 119-kun; sarre u kaca waxaa loo aaneeyay markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dhinteen in ka badan 400.

Kiisaska ayaa ka badan laba milyan oo ruux, halka bogsashaddana ay ka badan 680 oo bukaan; isbedel ku yimaada tiraddan waxaa la filan karaa saacad walba, maadaama khatarta ay wali jirto

Sidda ay muujineyso xogta maalinlaha ah, Mareykanka ayaa maalin walba isku-cel-celis ahaan wuxuu diiwaan-geliyaa in ka badan 22-kun oo ah kiisas cusub.

Mareykanka ayaa dagaalkii labaad ee dunida waxaa kasoo gaarey 116,516 oo dhimasho ah, halka la qiyaasayo in 320,000 kalana ay ku xanuunsadeen isla markaana qaarkood ay ku naafoobeen.

Dhanka kale, qaar kamid ah ismaamulada Mareykanka ayaa ka fekeraya in ay dib u furaan isu socodka iyo ganacsiga xilli ay jirto kala qeyb-sanaan ku aadan in halista ay wali jirto iyo in ay suushay.

Covid-19 oo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa wali loo baadigoobayaan daawo iyo talaal rasmi ah oo looga hortagayo, waxaana mashruuca soo saaritaanka hogaamineysa hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM