Cumaan oo hogaamiye cusub yeelatay kadib geerida Suldaan Qabuus

Image

MUSCAT, Cumaan – Suldaan Qabuus bin Saciid oo 50-sano hayey taladda Cumaan ayaa ku geeriyooday 79-jir, sidda ay baahisay warbaahinta Dowladda.

Qabuus oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa madaxda dalalka Carabta ayaa xafiiska joogay tan iyo sanadkii 1970.

Xaqiiqooyinka layaabka leh ee diiwaanka u galay ayaa ah in uusan waligii guursan iyo in uu xukunka ka afgembiyey Aabihii

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay xiriir ay Cumaan la yeelato Yahuuda, talaabadaas oo qayb ka ahayd "casriyeynta xiriirka dibadda".

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warantay in Golaha Milatariga ee ugu sareeya dalkaas uu shir degdeg ah ka yeeshay hogaamiyaha cusub.

Kadib wada-xaajoodyo muddo badan qaatay, saxaafadda ayaa ku warameysa in laysku raacay in Suldaanka cusub uu noqdo Haitham bin Tariq al Said.

Sikastaba ha ahaatee, Al Saciid oo kamid ah qaraabadda Qabuus ayaa soo noqday Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka ee Boqortooyadda Carbeed ee Cumaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM