Cumar Xasan Al Bashiir oo laga diidey in damaanad lagu sii daayo

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, ayaa waxaa laga diiday in damaanad lagu sii daayo, sidda ay sheegtay warbaahinta.

Al Bashiir ayaa waxaa ku socoto maxkamadeyn ku aadan eedeymo la xiriira musuq-maasuq, taasi oo dhowaan bilaabatay.

Hogaamiyahan oo Suudaan xukumayey muddo 30-sano ah, ayaa bishii April ee sanadkan waxaa afgembiyey ciidamada milatariga.

Dacwad oogeyaasha ayaa kusoo oogay lacag dhaqid, qaadashada hadiyado sharci darro ah iyo in uu 90 milyan oo cadaan uu Sacuudiga ka gudoomay.

Asbuucii hore isaga oo si furan u hadlaya markii ugu horeysay tan iyo markii la inqilaabay ayaa wuxuu qirtay qayb kamid ah dambiga.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bil Salman ayuu xusay in uu ka helay 25-milyan oo cadaan ah, wallow uu dafiray in uu si shaqsi ah u adeegsaday.

Baareyaasha ayaa tibaaxay in guriga Al Bashiir ay kasoo heleen 130 milyan oo dollar kadib markii awooda laga tuuray.

Sikastaba, eedeymaha loo haysto 75-sano jirkaan ayaa waxa uu ku muteysan karaa 10-sano. Dhageysiga xiga waxaa loo muddeeyay 14-ka September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM