Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudi – Kooxda la magac baxday "Dowladda Islaamka" ayaa dusha saaratay weerar lagu qaadey saldhig Boolis oo ku yaalla Sacuudiga.

Saldhiga ka beegsaday ayaa dhaca magaaladda Zulfi, oo qiyaastii 250 KM dhanka Waqooyi Bari uga beegan magaalada caasimada ah ee Riyadh.

Warbaahinta ku hadasha afka dowlada oo tabisay in afar ruux oo dableyda ka caawiyay howlgalka la toogtay ayaa tilmaamay in la fashiliyey duulaanka.

Saddex askari oo boolis ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen dhacdadaan oo nooceeda oo kale sanadihii u dambeeyay aan laga soo warin wadankaasi Carbeed.

Lama ogga hadii ay xoogaga dowladda toogteen raga hubeysan ee howlgalka fuliyay. Hasayeeshee, majaladaha maxaliga ah ayaa baahinaya in gebigoodba la khaarijiyay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii tobanaan qof oo ay Ajaaniib ku jiraan lagu dilay kadib weerar lagu ekeeyay fariisin ku dhow magaaladda caanka ah ee Buraidah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ee qaniga ku ah Shidaalka oo dalab dhowr ah loo diray illaa iyo haatan kama aysan ka fal-celin weerarkaasi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM