Dabley weerar culus ku qaaday huteel caan ah oo ku yaalla Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Dabley ayaa gudasha u gashay huteel nooca loo tamashlo tago ah oo ku yaala gobolka lama degaanka ah ee Balochistan ee wadanka Pakistan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Huteelka la beegsaday oo lagu magacaabo Pearl Continental Hotel kuna yaala magaalada dekada leh ee Gwadar ayaa waxaa bilaayiin dollar ku qarash-gareysay dowlada Shiinaha.

Inta badan dadka degan huteelka oo ah dalxiiseyaal ajaaniib ah iyo ganacsato ayaa laga soo badbaadiyey daqiiqadihii ugu horeeyay ee weerarka, sida uu sheegay Boolis.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo kamid ahaa ilaalada huteelka ayaa ku dhintay dhacdadaasi.

Maleyshiyaadka gooni isu taagga ah ee Balochistan Liberation Army ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi.

Kooxdaan mitidiinta ah ayaa tilmaamtay in ay beegsatay maalgashato u dhalatay Shiinaha iyo kuwa kale oo ajaaniib ah.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha dhanka amaanka, weerarka oo bilowday 16:50 galabnimo xiliga wadankaasi ayaa waxaa fuliyey illaa iyo afar ruux oo aad u hubeysan.

Lama ogga hadii wali dad kale ay baaqi kusii yihiin gudaha huteelka, balse madaxda ayaa shaaciyey in inta badan martida lasoo daad-gureeyay.

Balochistan, oo gabaad u noqoday dhaqdhaqaaq hubeysan, waa mid kamida gobolada ugu saboolsan ee wadanka Pakistan ee kasoo koraya xaaladaasi.

Maleyshiyaad kala duwan ayaa ku xoogan gobolka Balochistan sida Talibaanta Pakistan, Balochistan Liberation Army iyo xoogag Sunni ah oo lagu magacaabo Lashkar-e-Jhangvi.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, dhamaan kooxahaan hubeysan waxa ay kasoo horjeedaan maalgashiga aan dadka ka faa'ieysan ee gobolkaasi ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM