Soomaali kamida dad banaanbaxay iyagoo wata naxashka meydka

Image

MELBOURNE, Australia – Boqolaal ruux oo ay Soomaali kamid yihiin ayaa Isniintii waxay isu soo bax ka dhigeen afaafka hore ee baarlamaanka waddanka Australia.

Dadkan oo qaxooti ah ayaa waxay ka cabanayan hubanti la'aanshiyaha soo wajahday mustaqbalkooda markii la siiyey dal ku gal ku-meel-gaar-ah.

Barnaamijkan waxaa soo saartay Dowladda Muxaafidka ee la doortay 2013-kii, taasi oo lagu xakameynayay qaxootiga doomaha ku tegay waddankaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa kasoo kala jeeda wadamadda Ciraaq, Iiran, Sri Lanka, Suudaan, Soomaaliya iyo Muslimiinta Rohingya ee ka yimid Myanmar.

Badankooda ayaa waxay ku nool yihiin Australia viso u ogolaanaya in ay saddex ama shan sano oo joogaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Qaarkood ayaa waxay weyn doonan dal ku galkooda hadii ay dib ugu laabtan wadamada ay asal ahaan kasoo jeedan si ay u soo booqdan qoysaskooda.

"Sideed sano waa mid aad u fog" iyo "Cadaalad hala siiyo Qaxootiga" waxay kamid ahaayeen hal ku dhigyadda ay ku qeylinayey banaan-baxayaasha.

Intooda badan ku dhowaad 700 KM ayey u soo socdaaleen si ay u soo gaaraan magaala madaxda, una muujiyaan shuruuctooda.

Qeybtooda ayaa watay naxashka meydadka lagu qaado kaasi oo been abuur ah oo calanka Australia ku xardhan, talaabadaasi oo ay u arkeen mid muujineysa xuquuqda bini'aadamka.

Banaabaxan ayaa yimid ka gedaal markii loo diiday cusbooneysiinta visaha iyo kulan ay la yeeshan ra’iisul wasaare Scott Morrison.

Xildhibaano mucaarad ah ayey la kulmeen, kuwaasi oo u balanqaaday in ay cabashooda gaarsiin doonan baarlamaanka.

Xukuumadda ayaa 2013-kii adkeysay siyaasadeeda ku wajahan magan-doonka doomaha ku gal wadankaasi ee dib u dejinta raadinaya.

Doomaha ayaa tan iyo waqtigaasi la joojiyey markii ay kordheen tiradda maalin malaha ah ee soo galeysa waddankaasi.

Soo galootiga yimid 2013-kii ayaa waxaa lagu hayaa xerooyin ku yaala Jaziiradaha aanan noloshooda wanaagsanayn ee Papua New Guinea iyo Nauru.

Dowladda Australia ayaa isbuucii hore shaacisay in 585 qaxooti ah dib u dejin ay uga heshay Mareykanka, talaabadaasi oo qayb ka heshiis ay wada gaareen oo Washington ku qaabileyso 1,250 magan-galya-doon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM