Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday dalka Iiraan

Image

TEHRAN, Iran – Isbuurasho ka dhalatay baroordiiq Talaadada maanta ah loo sameeyay Jeneraalkii Iran ee Mareykanku todobaadkii hore duqeynta ku dilay ayaa sababtay geerida 35 iyo dhaawaca 48.

Talafishinka dowladda ayaa baahiyey in Isbuurashada ay ka dhacday Kerman, magaalada uu ku dhashay Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Jamhuuriyada Iiran.

Muuqaalo baraha bulshadda lagu faafiyey ayaa muujiyey dhacdooyin ay kamid tahay dadka oo isku dul-soconaya iyo qaar kale oo isku deyaya in ay caawiyaan.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in tiradda dhimashadda ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo daran.

Pirhossein Koulivand, madaxa gaadiidka gurmadka deg-dega, ayaa sheegay in bukaanada ay kamid yihiin caruur iyo haween.

"Nasiib-daro maxsuulka Isbuurashada waxaa ku jira dhaawaca iyo geerida qaar kamida walaalaheena," ayuu qadka telefoonka ugu sheegay Talafishinka Iiraan.

Isniintii, in ka badan hal milyan ayaa isugu soo baxay magaalada Tehran si ay ugu baroordiiqaan Qaasim, waxaana qayb ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sareysa Iiraan, kuwaasoo ku goodiyey "aargudasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM