Dad ku dhintay huteelo lagu karan-tiilo dadka qaba Coronavirus oo dumay

Image

QUANZHOU, China – Tobban qof ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen kadib markii magaaladda Quanzhou ee Shiinaha uu kusoo dumay huteel loogu talagalay in lagu karan-tiilo dadka laga helo Coronavirus.

Wakaalada wararka Xinhua ayaa baahisay in ku dhowaad 70 kale ay go'doomeen dhismaha, lagana soo badbaadiyey 48 kamid ah.

Xili burburka dhismaha uu bilowday Sabtidii, sawirro laga soo qaadey ayaa muujinaya dad ku howlan badbaadinta dadka.

Warbixinada ayaa waxay intaas ku darayaan in badi dadka ku go'dooman huteelka ay yihiin kuwa laga helo caabuqa dilaaga ah, balse ay u socotay karan-tiilid maadaama heerka koowaad ay ku marayeen.

Mulkiilaha huteelka oo magaciisa lagu soo koobay Yang waxaa u yeeray booliska, si su'aallo looga waydiiyo dhibaatada dhacday.

Warbaahinta ayaa warisay in maalqabeenka uu ku doodey in dabaqa koowaad ee burburay ay ku socotay dayactir markii uu falku dhacay.

Wakaalada wararka AFP ayaa ku warantay in shaqaalaha dhismaha ay la hadleen mulkiilaha daqiiqado kahor inta uusan soo dumin.

Dhacdadaan ayaa waxay kusoo aadeysa iyaddoo faafinta xanuunka khatarta badan ay aad hoos ugu dhacday gudaha Shiinaha, halkaasoo uu ku galaaftay boqolaal ruux isla markaana tirro kale ay wali la il-daran yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM