Dad ku dhintay toogasho ka dhacday maqaayad ku taala Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Booliska ayaa shaaciyey in toogasho ka dhacday bariga gobolka Florida lagu dilay hal qof, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Bileyska magaaladda Fort Lauderdale ayaa sheegtay in laamaha amanaka ay ka fal-celiyeen falka, lana soo xiray qof la tuhmayo.

"Dibada makhaayadda Blue Martini ayuu shilku ka dhacay, hadafka wali ma cadda," ayuu Casey Liening tiri, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee AP.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, ruuxa falka sameeyay ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay gudaha maqaayada oo ku dhow xarunta laga dukaameysto ee Galleria.

Casey ayaa intaasi raacisay in dadka dhaawaca ah ee loola cararay goobaha caafimaadka ay xaaladoodu tahay mid aan la hubin.

"Qofka dhibaatada geystay oo aan wali la aqoonsan waxa uu ku jiraa xabsiga, booliskana waxa aaminsan yahay in falka sababay muran," ayay raacisay.

Baaritaanka ayaa ah mid wali socda, sida laga soo xigtay Casey oo diiday in ay bixisay tafaasiil dheeraad ah oo dhacdada quseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM