Dadka uu haleelay Covid-19 ee caalamka oo kor-u-dhaafay 10 milyan

Image

WASHINGTON, US – Tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ee guud ahaan caalamka ayaa Axada maanta ah kor-u-dhaafay tobban milyan, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka afka dheer ee Reuters.

Sidda ku xusan warbixinta, dadka illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay u dhinteen caabuqaan faafa ayaa ku dhow nus milyan.

Intaas waxaa wehlisa, in ka badan shan milyan oo kale ayaa kasoo bogsaday xanuunka, todobadii bilood ee u dambeysay.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku celcelisay in khatarta xanuunka ay wali taagan tahay loona baahan yahay taxadar.

Dhanka kale, Talyaaniga ayaa diiwaan-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dhimashada maalinlaha tan iyo 1-dii bishii Maaj, todobaad kadib markii waddankaas uu galay xaalad go'doon ah sabab ku aadan cudurka.

Mareykanka ayaa dhankiisa soo wariyey 2.5 milyan oo ah kiisas cusub, kuwaas oo kordhinaya wadarta oo ahayd in ka badan 44,000.

Jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socota dhaqdhaqaaqa xanuunka ayaa sheegtay in geerida Mareykanka ay dhaaftay 125,000.

Sikastaba ha ahaatee, Covid-19 ooo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa ku faafay aduunka oo uu geliyey xaalad go'doon ah iyo kala xirnaan dhinacyadda duuliyadda iyo hoos u dhac dhaqaalaha aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM