Dadka uu helaalay Covid-19 guud caaamka oo dhaafay 18 milyan

Image

WASHINGTON, US – Dadka uu haleelay safmareenka halista ah ee Coronavirus guud ahaan caalamka ayaa kor-u-dhaafay 18 milyan, sidda xaqiijisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO.

Sidda ku xusan warbixinta, illaa iyo haatan, 11 milyan ayaa ka bogsaday xanuunkaan faafa, kaasoo ay 690,000 kale ay u geeriyoodeen. Sarre u kaca ku yimaada tiradda waa mid la filan karo xilli kasta.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa wajahaya soo laba-kac-leyn cusub oo ah caabuqa xilli Aqalka Cad uu saadaaliyey in uu ku faafi doono magaalooyinka iyo degaanadda kale ee miyiga waddankaas ah.

Kiiska Covid19 ee gudaha Mareykanka ayaa waxay sii cagacageynayaan 4.68 milyan, halka geerida ay ka badan tahay 155,000 ruux.

Geesta kale, iyaddoo walaac la xiriira cudurka uu jiro, dalka Sri Lanka wuxuu aadayaa doorashooyinka baarlamaanka. Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa wuxuu filayaa in coddeynta ay midnimo horseedi doonto.

Gudaha Ingiriiska, wasaaradda caafimaadka ayaa wadda qorshe lagu xoojinayo awooda dalkaas ee baaritaanadda Coronavirus. Kiiska waxay marayaan 306,000, halka dhimashaduna tahay 46,000 ruux kale.

Ugu dambeyn, Brazil ayaa xaqiijisay 25,800 kiisas cusub iyo 541 kale oo dhimasho ah, taas oo wadarta xaaladaha gaarsiineysa 2.73 milyan, halka dhimashaduna ay tahay 94,000, waana inta la diiwaan-geliyey Axadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM