Dadweynaha Ingiriiska oo u dareeraya doorasho taariikhi ah

Image

LONDON, Britain – Guud ahaan Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah looga dareerayaa doorasho taariikhi ah oo nooceeda aan horey loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Doorashadan ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka fog ee Britain iyo siyaasadda dalalka qaaradda Yurub.

Arrimaha ugu waaweyn ee hareeyay ololaha waxaa kamid ah ka bixitaanka Midowga Yurub, dambiyadda iyo qodobo kale oo waaweyn.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson, hogaamiyaha xisbiga talada haya ee muxaafadka, ayaa balanqaaday in uu UK kaga saari doono EU-da muddo sanad ah.

Halka hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn uu wacad ku maray in uu muddo saddex bilood ah ku qabanayo afti lagu diidan yahay ka bixitaanka.

Saadaal la sameeyay ayaa muujineysa in 33% ku guuleysan karo mucaaradka, halka 44% uu labinta ku heli karo xisbiga muxaafadka.

Dadka laga tiradda badan yahay oo gaaraya 7.5 milyan ayna ku jiraan Soomaalida ayaa la filayaa in ay u coddeeyaan xisbiga shaqaalaha ee Corbyn.

Natiijadda rasmiga ah ee coddeynta oo la filayo in ay go’aamiso hadii UK kasii mid ahaaneyso Yurub iyo in kale ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo maalinta Jimcaha ah ee todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM