Dagaal-ooge Ntaganda oo 30 sano oo xabsi ah lagu xakumay

Image

WASHINGTON, US — Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada, ayaa 30 sano oo xarig ah ka xakuntay, hogaamiyihii hore ee jabhadda mucaaradka Congo, Bosco Ntaganda, kaddib markii lagu helay danbiyo ka dhan ah aadanaha.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa Ntaganda bishii July ku helay 18 danbi oo ay ku jiraan dil, kufsi, dumar la adoonsaday si loo kufsado iyo carruur uu askareeyay.

Maxkamaddan oo ku taalla magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa markii ay isku dartay dambiyada lagu soo oogay ninkani, ay ciqaabteedu noqotay 218 sano, balse kusoo koobtay 30 sannadood.

Bosco Ntaganda ayaa xabsi lagu hayay tan iyo bishii March ee sannadki 2013-ki. Muddadaasi uu xirnaa ayaa laga jari doonaa 30-ka sano ee hadda lagu xakumay, sidda ay sheegeen garsooreyaasha.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadaha lagu soo oogay, Ntaganda ayaa inkiray inuu yahay "dilaa iyo danbiile dagaal" wuxuuna isku sifeeyay "ruux aanan geysan wax dambi ah".

Dadweynaha dalkiisa ayaa durba ku kala qeybsamay xukunka. Qaar sheegtay in ay dhibaney u yihiin isaga ayaa soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay ku sifeeyeen "mid cadaaladda ka fog".

ICC oo hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa wajaheyso dhaleeceymo culus, kuwaas oo ay kamid tahay in ay kaliya xukuno ku rido shaqsiyaadka Afrikaanka ah ee dambiyadda geysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM