Dagaalka Iran oo Su’aal Geliyay Awoodda Mareykanka ee Ka Hortagga khataraha Shiinaha iyo Ruushka
WASHINGTON, D.C. — Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in kaydka hubka iyo gantaallada casriga ah ee Mareykanka uu hoos u dhacay, taasoo saameyn ku yeelan karta awoodda Washington ay uga jawaabi karto xaalad militari oo weyn oo uga timaada Shiinaha ama Ruushka.
Sida ay sheegayaan mas’uuliyiin Mareykan ah oo uu soo xigtay wargeyska Wall Street Journal, kaydka gantaallada difaaca hawada ee PAC-3 Patriot iyo gantaallada ATACMS ee ku sugan Yurub ayaa gaaray heerar lagu tilmaamay “ka hooseeya heerka halista ah”.
Hub kale oo sax ah iyo gantaallo hagitaan leh ayaa sidoo kale si weyn loo isticmaalay intii uu socday dagaalka Iran, halka qaar ka mid ah gantaallada difaaca THAAD iyo nidaamyada lagula dagaallamo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo wareejiyay Yurub loona diray Bariga Dhexe.
Ilo Mareykan ah ayaa sheegay in bartamihii bishii Luulyo ciidamada Mareykanka ay dagaalka Iran ku isticmaaleen ku dhowaad 1,700 gantaal oo Patriot ah, 200 gantaal oo THAAD ah iyo 150 gantaal oo Navy Standard Missiles ah.
Dhanka kale, Iran ayaa la sheegay inay dagaalka ku ridday in ka badan 1,500 gantaal oo ballistic ah iyo ku dhowaad 6,000 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo waaweyn, taasoo cadaadis weyn saartay nidaamyada difaaca hawada ee Mareykanka.
Hoos u dhaca kaydka hubka ayaa durba saameynaya qorsheynta militari ee Mareykanka. Taliska Mareykanka ee Yurub ayaa la sheegay inuu wax ka beddelay qaar ka mid ah qorshayaashiisa hawlgallada, iyadoo mas’uuliyiin hore u qireen in kaydka hadda jira uu xaddidi karo awoodda Washington ay ku fulin karto qorshayaal militari haddii xiisad weyn ay ka qaraxdo Taiwan.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah qorshayaasha Mareykanka ee ku saabsan Shiinaha, maadaama gantaallada difaaca hawada iyo hubka saxda ah ay door muhiim ah ka ciyaari karaan dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Aasiya.
Dhibaatada waxaa sii adkeynaya waqtiga dheer ee loo baahan yahay in dib loo soo saaro qaar ka mid ah hubka casriga ah. Qaar ka mid ah gantaallada difaaca iyo hubka hagitaanka leh waxay qaadan karaan sanado in dib loo buuxiyo, xilli dalalka Yurub qaarkood ay iyaguna wajahaan dib-u-dhac ku yimid hub ay hore u dalbadeen.
Hoos u dhaca kaydka ayaa sidoo kale walaac ku abuuraya xulafada Mareykanka ee Yurub, kuwaas oo ku tiirsan nidaamyada difaaca hawada ee Mareykanka iyo sahayda hubka si ay u xoojiyaan awooddooda milatari.
Si kastaba, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa diiday sawirka ah in dalka uu wajahayo yaraansho guud oo hub ah. Washington waxay sheegtay in kaydka hadda jira uu weli ku filan yahay in lagu gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiga ah ee Mareykanka.
NATO ayaa sidoo kale sheegtay in xulafadu ay weli haystaan hub difaaca hawada oo ku filan baahiyahooda difaac.
Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka baaxadda leh ee gantaallada intii uu socday dagaalka Iran ayaa dib u soo nooleeyay dood ku saabsan awoodda warshadaha difaaca Mareykanka iyo sida degdegga ah ee Washington u buuxin karto kaydkeeda haddii ay isku mar wajahdo in ka badan hal khatar oo militari.
Khilaafka ayaa sidaas darteed noqday imtixaan weyn oo lagu cabbirayo awoodda Mareykanka ee ah inuu taageero hawlgallo militari oo joogto ah, isagoo isla markaana diyaar u ah xaalado degdeg ah oo ka dhaca Yurub ama Aasiya.
GAROWE ONLINE