Dagaalka Nagorny Karabakh oo sii kala fogeeyay Turkiga iyo Faransiiska

Image

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada “aan laga fiirsan ee halista ah,” ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo “qabsashada” gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii.

“Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga.

“France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri.

Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.”
Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof.

VOA + AFP

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM