Howlwadeeno dhintay saacado kadib markii ay shaqada ka baxeen

Image

In ka badan 270 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha guddiga doorashooyinka dalka Indonesia ayaa u dhintay xanuunno la xiriira daal maadaama ay saacado dheeraad ah gacanta ku tirinayeen malaayiin waraaqaha cod bixinta ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan dalkaasi Indonesia.

Arief Priyo Susanto, oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka guud ee KPU ayaa sheegay in 1,878 oo qof shaqaalaha guddigaasi ah ay sidoo kale xanuunsadeen.

Qiyaastii toddoba milyan oo qof oo shaqaale ah ayaa guddigaasi ka caawinayay doorashada dalkaasi ka dhacday 17 bishan Abriil ee sanadkan.

Shaqaalahani ayay ahayd in habeenkii oo dhan ku shaqeeyaan xaalado adag, taasi oo keentay in dad badani ay dhibaato ka soo gaarto arrintaasi.

Doorashadani ayaa ahayd tii ugu horreysay oo la isku daro codbixinta madaxtinimada, baarlamaanka iyo golaha deegaanka si loo yareeyo kharashka ku baxaya doorashada, waxaana codkooga ka dhiibanayay qiyaastii 193 milyan oo qof oo ka mid ah shacabka 260 milyan gaaraya ee dalkaasi.

Ku dhawaad 80% dadkaasi codbixiyeyaasha ahaa ayaa waxay codkooga ka dhiibanayeen in ka badan 800,000 oo ah goobaha codbixinta.

Hasayeeashee tiradaasi aadka u badan ayaa u muuqata in ay dhibaato ka soo gaartay shaqaalaha ku meelgaarka ah ee guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo si ka duwan shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda, aanan soo marin baaritaanno caafimaad ka hor inta aysan shaqada billaabin.

Afhayeenka u hadlay guddiga doorashooyinka dalkaasi ayaa sheegay in 272 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha doorashooyinka ay u dhinteen xanuunno la xiriira daalka badan ee ay ku wajaheen shaqa.

Guddiga doorashooyinka dalkaasi ayaa qorsheynaya in uu siiyo min 2,500 oo doolar oo magdhow ah qoysaska dadkaasi dhintay - lacagtaas oo u dhiganta qiyaastii mushaar hal sano ah marka la fiiriyo mushaharka ugu yar ee ay dadkaasi qaadanayeen, sida laga soo xigtay Nikkei Asian Review.

Dadka dhaliila siyaasadda dowladda dalkaasi ayaa dowladda ku eedeeynaya in ay isku dartay doorashooyinkan oo xilliyadii hore mid iyo mar la qaban jiray iyo sidoo kale in ay rajo gelisay shaqaale aysan mustaqbalka wada qaadan doonin.

Madaxweyne Joko Widodo iyo hoggaamiyaha mucaaradka Prabowo Subianto ayaa labaduba sheegtay guul, balse tirin deg deg ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Widodo ay guusha ku raaceyso 9% ilaa 10% dhibcood.

Guddiga doorashooyinka ayaa soo gabagabeyn doono tirinta codadka doorashadaasi laga dhiibtay, waxa uuna 22-ka bisha soo socota ku dhawaaqi doonaa musharraxiinta ku guuleystay xilka madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

BBC

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM